Monday, February 3, 2014

Dawlada Somaliland oo Deegaanada ay kataliyaan ka mamnuucay Tv-ga Universal kadib markii uu baahiyay Barnaamij ka careesiiyay

Dawlada Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaanada ay kataliyaan ay ka mamnuuceen in uu kasii howl galo Tv-ga Madaxa banaan ee Universal Tv-kaa oo lagu eedeeyay baahinta Barnaamij wax loogu dhimayay madaxweynaha dawladaasi .

Wasiirka Warfaafinta dawlada Somaliland Cabdilaahi M Daahir Cukuse oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa shaaciyay in ruqdasii shaqo kala noqdeen Tv-ga Universal maanta waxii ka dambeeyana uusan ka howl gali doonin deegaanadooda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dacwad kusoo oogayaan Milkiilaha Tv-ga Universal oo dhawaan baahiyay Barnaamij loogu magac daray Faaliyaha Qaranka kaa oo wax looga sheegay laguna wareestay Muuqaal loo ekeesiiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Barnaamijka ay ka caroodeen dawlada  Somalialnd ayaa la dheegay in wax looga sheegay Qoyska uu kasoo jeedo Madaxweynaha Soomaaliland , iyadoona dawlada  Somaliland sidoo kale ka caroodeen kartoon loo ekeesiiyay Axmed Siilaanyo Madxaweynha Somalialnd.

Ma ahan markii ugu horeesay oo shaqada laga joojiyo Tv-ga Universal xafiisyada uu kuleeyahay Deegaanada Somalilanad , waxaana marar kala duwan sidaan oo kale shaqada looga joojiyay Tv-ga Universal iyadoona markii dambe dib loo fasaxay.

No comments:

Post a Comment