Thursday, January 16, 2014

Dhul-boob ka dhex-dilaacay Maamulka Gobolka Awdal iyo Badhasabkii Gobolkaas oo ku jaah-wareeray khilaafka hadheeyay D/hoose ee Boorama

Boorama,  (BTN)- Dhul-boob ka dhex-dilaacay maamulka Gobalka Awdal, ayaa sababay in hoggaanka sare ee dawlada hoose ee Degmada Boorama ay fahara isu-latagaan, isla markaana waxa la sheegay in Badhasaabka Gobalkaas Cabdoo Aayar ku hawlan yahay xal u helida khilaafka hadheeyey maamulka dawlada hoose ee Boorama. Xilhdibaan Cabdiqani Daaa’uud Qalinle iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Muuse (Kacab), oo ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka ee Degmada Boorama, ayaa ku Eedeeyay

Maayarka iyo ku-xigeenkiisa inay isku dilayaan dhul dan guud ah. Xildhibaan Cabdiqani Daa’uud Qalinle oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, waxa uu sheegay in maamulka Boorama uu galay qalooc, loona baahan yahay in wax laga qabto, waxaanu yidhi, “Maamulka Boorama uma-baahna is dhaleecayn ee waxa uu u baahan yahay maamul sixid, haddii maamulku haggaagana waxa dhamaan wacnanaaya shaqaalaha kale. Haddii maamulku isagu samaysto foojar gaar ah. Dhulka uu sheegaayo Maayarku waa mid isagu bilaabay inuu sharci u samaysto dhulka. Waxaanu leenahay shacabka reer Boorama hoggaankii aanu dooranay wali qalooc ayaa ku jira, waxaana loo baahan yahay in qalooca laga saaro ee inta aanu ka saarayno waxay qaadanaysaa todobaad ama bilo ee noo samra inta aanu ka saarayno. Haddii hoggaanku uu madmadow
sameeyo inta kalena way samaynaysaa.” Xildhibaan Maxamed Aadan Muuse oo isaguna ka mid ahaa xildhibaano shalay shir jaraa,id ku qabtay Boorama, waxa uu sheegay in waddooyinkii la dhisanaayo, isla markaana waxa uu ku Eedeeyay inay ka dambayso dawlada hoose oo waliba uu masuul ka yahay hoggaankawaxaanu yidhi, “Shirka saq-badhka habeenimo shirka jaraa,id  lagu qabto magaalada Boorama oo waa wax ku cusub. Waxa maanta Degkamada Boorama ku soo kordhay meherado yar-yar oo aad u farabadan oo waddooyinka degay. Cidda u  fasaxday inay waddooyinka ku shaqaystaan waa dawlada hoose ee Boorama oo maamulkayaga ayaa waraaqaha u goynaaya.” Xildhibaan Muuse waxa kale oo uu sheegay in maayarka iyo ku-xigeenku isku haystaan dhul balaadhan oo dan guud ah, waxaanu yidhi,  “Khilaafka ka dhexeeya Maayarka iyomaayar ku-xigeenka waxa la isku haystaa dhul  balaadhan oo dan guud ah, kaas oo ku yaala Saylada Xoolaha, markaa maamulkii oo dhan waxa uu isku haystaa dhul.” Dhinaca kale  xogo xalay  Wargeyska Ogaal helay, ayaa u sheegay in Badhasaabka Gobalka Awdal Cabdoo Aayar u maaro waayey khilaafka ku
habsadaymaamulkaDawlada Hoose ee Boorama, isla markaana waxa la sheegay inay sabab u tahay Badhasaabka oo aan kala garanayn dhulka. Sidoo kale waxay xogahan lagu kalsoon yahay Wargeyska Ogaal u sheegeen in Badhasaabka Gobalkaas ay dhibaato kala haysato Odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, taasoo ay tilmaameen in Guddoomiyuhu aanu wax badan ka garanayn xagga dhulka iyo arrimaha lagu xaliyo khilaafadka maamulka iyo la qabsadhada arrimaha bulshada.  Waxanay wararku intaas ku dareen inay sabab u tahay Guddoomiyaha iyo bulshada Gobalka Awdal ay ka dhex-taagan tahay is fahan la’aan, sababtoo ah Gudoomiyaha oo Qurbaha ku raga aw-geed uu waxbadan ka fahmayn dhibaatooyinka dhulka oo samayn weyn ku leh dhacabka Boorama. Read more: Dhul-boob ka dhex-dilaacay Maamulka Gobolka Awdal iyo Badhasabkii Gobolkaas oo ku jaah-wareeray khilaafka hadheeyay D/hoose ee Boorama

No comments:

Post a Comment