Hargeysa(BTN) Booliiska ayaa saaka ku waaberiistay Suuqa Jaamac
Gunti ee Xaafadda Xero Awr ee magaaladda Hargeysa, waxaana dhex maray
iska hor imaad ay Booliisku u adeegsadeen Rasaas isla markaana waxa ay
cagta mariyeen Meherado Suuqaas dib looga yagleelay, kadib markii
dhawaan laga raray dadka Suuqaas ku ganacsan jiray.Booliiska oo adeegsanaya Caga cagafyada Dawladda Hoose ee Hargeysa
ayaa bilaabay in ay dadka ku soo noqday Suuqaasi ka raraan hase yeeshee
dadweynaha ayaa ka hor yimi waxaana la isweydaarsaday Rasaas iyo Shiid
taasoo sababtay in xaaladda xaafadda Xero awr saaka illaa imika ka
dhacaan rabshado joogto ah oo ay iska hor imanayaan Booliiska iyo
Dadweynuhu.
Wax khasaare ag oo illaa hadda ka dhacay ma jiraan laakiin jidka
idaacadda iyo Maansoor isku xidha ayaa cidhiidhi galay kadib markii
Taayiro lagu gubay jidkaasi oo markiisa horeba mashquul ahaan jiray.
No comments:
Post a Comment